Maskax la tuujiyey ayaa lagu kala tagey! Qalinkii Maxamed Aadan Koofi

W/Q Dr. Maxamed Aadan Koofi :-Sida iska cad, Bani-aadamku wuxuu ku kala tagey dhinacyo badan oo la xariir noloshiisa, sida; dhaqaalaha, waxbarashada, wax soo-saarkq, hormarka tijnoolajiyadda iyo qaar kale.

Hadda waxaynu soo gaarney, in dunidiiba loo kala qaadey, dunida 1aad, 2aad iyo 3aad, waxaana lagu saleynayaa dhinaca hormarka. Sida hadda wax ku socdaanna, waxaa dhici karta in ay soo baxaan qeybinno kale, kuwaas oo suurtagal ka dhigaya, in la sameeyo duni ama dalal aan kaligood jiri karin.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, maxay tahey waxa faraqa sameynaya?

Maskaxdu waan xuminta sameysa garaadka qofka. Sida lagu ogaadey cilmi baarisyo hore loo sameeyey, qofku wuxuu si caadi ah u isticmaala 10% awoodda maskaxda, taas oo noqoneysa dareenka caadiga ah ee jirka, dhawaqa, dhaqaaqa, howgelinta hababka jirka, iyo iwm.

Awoodda maakaxda inta ugu badan oo ah 90% waxaa loo dhaafey qofka, si isagu u go’aansado isticmaalkeeda. Qeybtaani waa kala reebtada Bani-aadamka, waxayna ku xirantahey hadba qofku inta uu ka adeegsado ama sida uu u isticmaalo.

Sida la xaqiijiyey, isticmaalka maskaxdu, wuxuu ballaariyaa garaadka qofka, sida howlaha jirdhisku murqahaba u nooleeyaan, una kordhiyaan awooddooda ama xoogooda. Taas ayaa ka dhigan, haddii aan maskaxda la isticmaalin ay marka danbe noqoneyso howlgab.

Mab’da ama Aragti ayaa jirta dhaheysa “Isticmaal ama ka samir,” taas oo ujeedku yahey in xuminta jirka ee aan la isticmaalin, uu xisaabta ka bixi karo, howlgabna noqon karo.

Aragti kasta oo maanta shaqeyneysa, kulana wanaagsan, waxaa maskaxdaada ku jira mid ka sii wanaagsan oo kaliya kaaga baahan in aad ka shaqeysiiso, adeegsato, wax ku rogrogto, hal-abuur sameyso.

Bilaawgii nolosha Aadanaha, biyaha (Badaha iyo wabiyada), waa laga leexan jirey, waxayna noloshu ku koobneyd barriga. Dad yar ayaa ku dhiiran jirey oo dabaal ku mari jirey, waxaase 10,000 sano ka hor dhalashada Nabi CS, maskax la tuujiyey oo laga shaqeysiiyey soo saartey aragtida doonta.

Dhinaca dhulka, Aadamaha ayaa 4,000 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise CS, maskaxdiisa ka heley in gaadiid ahaan loo adeegsan karo xayawaanka qaar, sida; Geela, Fardaha, Dameerka iyo Baqasha, waxayna dadkaasi ka tageen, kuwii cagtooda iyo xoogooda adeegsanayay.

Dr Maxamed Aadan Koofi

Aadane kale, ayaa maskaxdiisa sii shiiley, wuxuuna sanadkii 1886 soo saarey gaari dhulka ku soconaya, waxaana ugu caansan dadkaas Carl Benz oo u dhashey dalka Germany. Hadda, aragtidii cagmaalka iyo adeegsiga xayawaanka, waxaa dul martey oo ka tagtey aragtidii sameynta gaariga.

Dad kale ayaa maskaxdooda tuujiyey, waxayna soo saareen, aragtida ugu cajiibsan la xariirta gaadiidka, waxaana sanadkii 1903 la sameeyey diyaaraddii ugu horreysey ee si nabad ah ku duusha kuna soo dagta. Tani waxay ka tagtey aragti kasta oo gaadiid la xariirta oo hore loo sameeyey.

Dhinaca dagaalka iyo difaaca, Aadane maskaxdiisa adeegsadey, ayaa sanadkii 1364 soo saarey qori ay xabadi ka dhaceyso, kaas oo waxba kama jiraan ka dhigey aragtiyadii dagaalka iyo difaaca ee ka horreeyey, kuwaas u badnaa; waran, gamuun, tooreey, faas, seef iyo qaar kale oo gacanta laga isticmaalo.

Aragtida sameynta gantaalada iyo bambooyinka, ayaa noqdey qaar ka saameyn badan qoriga xabbadda yari ka dhaceyso, waxaana laga tagey qofkii adeegsanayey qoriga yar.

Sameynta hubka Bayooloojiga iyo Kiimikada ah, ayaa noqdey aragtiyada ugu khatarta badan ee ka soo maaxatey maskax Aadane,  waxayna waxba kama jiraan ka dhigeen, wixii hub dagaal iyo difaac hore loo heystey.

Sida ay qabaan dad badan, Antrax, Ebola, HIV, Smallpox, COVID19 iyo qaar kale, waxay hor dhac u yihiin, tijaabooyin lagu sameynayo adeegsiga Bayooloojiga iyo Kimistariga, si loo burburiyo nolosha iyo dhaqaalaha Aadanaha.

Fikradaha sameynta iyo diridda Dayax-gamceedka (1957), sameynta Computer-ka (1942), iyo noocyada kale ee tijnoolajiyadda ayaa ah aragtiyo laga soo dhalaaliyey maskaxda Aadanaha, waxayna noqdeen kuwa Aadanaha kala saarey, una sameeyey qeybo aan isku hormar iyo awood aheyn.

Aragti kasta oo maanta shaqeynaysa, berri waa laga sii tagayaa, waxaana hadda socda aragtiyo xiran oo kaliya dadkii soo saarey ay adeegsan karaan, inta kalana haddii ay u baahdaan ay ku qasban yihiin in ay sii maraan dadka leh hal-abuuriddeeda.

Soomaalidu, waxay ku jirtaa umadaha tiro ahaan ugu yar dunida, jir ahaan ugu daciifsan, dhaqaale ahaan ugu hooseeya, midab iyo muuqaal ahaan la yaso, haddana waxay weli aaminsan yihiin in ay xoog xal ku heli karaan, taas oo ah mid aan dhici karin.

Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira, nooc kasta oo ay yihiinba, xaqiiq waxaa ah haddii la tuujiyo, lana isticmaalo maskaxda, in dhammaan xal loo heli lahaa. Warka badan, gacan ka hadalka badan, iyo hurdada badan waxay calaamad u yihiin in aysan maskaxdu shaqeynayeyn.

Hadda, waxaa lagu mashquulsan yahey sidii loo heli laha ama loo soo saari laha, aragtiyo lagu koontoroolayo dareenka, iyo garaadka dadka, taas oo keeni karta in maskaxdaada lala wareego, lagana dhigo mid la hoggaamin karo si toos ah, waxayna ku bilaaban doontaa, chip yar oo jirkaaga la gelinayo, laguna qasbanaan doono. aragtidaan hadda waxay ku jirtaa tijaabooyinkeeda ugu horreeya.

Kheyraadkii dhulkeena, innaga oo aan ka faa’iideysan, ayey hadda dunidiiba ka maaran tahey, innaguna ka soconeynaa, maskaxdiina, innaga oo aan isticmaalin ayey hadda ku dhowdahey in lala wareego, maxaa inoo xal ah?

Ogoow, waxkasta oo maanta kuula muuqda wax aan dhici karin, waxaad arkeysaa berri iyaga oo dhacay ama dhacaya.

Malaayiin aragtiyo ah ayaa maskaxdaada ku jira ee imisa ayaad hubtaa inaad la soo baxdey?

- Advertisement -