Khasaare naxdin leh oo ka dhashay dab qabsaday guri ku yaalla Magaalada Jigjiga

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dab ka kacay xalay saqdii dhexe guri ku yaalla xaafadda 13aad ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Dabka ayaa sababay geerida afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin walaalo hal qoys ka soo wada jeeday oo ay ku jiraan caruur.

Sidoo kale Dabka ayaa dhaawacyo u geystay hooyada iyo aabbaha dhalay carruurta ku geeriyootay dabkaas.

Hay’adaha ammaanka oo gaaray goobta ayaa sheegay sababta uu dabkani ka kacay inaan weli la garanaynin, laakiin baaritaan la wado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay shoolada lagu karsdao oo tiilay guriga uu dabku ka dhacay, iyadoo shilalka noocan ah ay mudooyinkan ku soo badanayeen magaalada Jigjiga.

- Advertisement -