Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo toban su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo 10 su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

Wasiirkii hore ee boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Shiikh Axmed ayaa ka maqnaa xafladii xil-wareejinta oo maanta ka dhacday xarunta wasaarada. Waxaa booskiisa buuxiyay Wasiiru dowlaha.

Cabdi Sheekh ayaa dalka ka dhoofay 30kii bishii hore, waxaana la aamisan yahay inay arintan la xiriirto eedaha musuqmaasuq ee wasiirka loo haystay ee la xiriiray mashaariicda wasaarada.

Agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaarada oo aad ugu farxay isbedelka wasaarada ka dhacay ayaa 10 su’aalood u diray wasiirkii hore inuu ka soo jawaabo maadaama uusan wax xilwareejin ah sameynin:

1. Wasiir, waxaad dalka ka dhooftay adigoo aan wareejin xilkii aad haysay mudo 2 sano ah. Sidoo kale sanadkii 2020-kii markaad iska casisay Hay’ada isgaarsiinta qaranka wax xilwareejin ah maadan sameynin. Miyaadan ogeyn inay waajib tahay inaad xilka si rasmi ah u wareejiso?

2. Wasiir, waxaa lagaa sugayay inaad ka warbixiso mashaariicdii ay ku guuleysteen 2 shirkad Soomaaliyeed oo aad u kala wareejisay shirkad shisheeye iyo shirkad aad adiga leedahay. Sidoo kale maxaa ka jira inaad sameysatay shirkad aad dooneyso inaad ku shaqeysato?

3. Wasiir, sanadkii 2020-kii markaad is casileysay waxaad sheegtay in wasiirkii markaas xilka hayay uu hortaagnaa hirgelinta sharciga isgaarsiinta. Hadaba ma noo sheegi kartaa qodobada sharciga ka mid ah ee aad fulisay 2dii sano ee aad xilka haysay?

4. Wasiir, sanadkii 2020-kii markaad is casileysay waxaad sheegtay in shirkado gaar ah ay haystaan Hay’ada isgaarsiinta. Maxaad ka qabatay shirkadahaas? Maxaa ka jira in maareeyihii aad magacawday Agoosto 2021-kii ay kuu keentay isla shirkadihii aad sheegeysay inaad la dagaali doonto? Gaariga V8 aad wadatay shirkadee kuu iibisay?

5. Wasiir, isla warqaddaadii casilaadda 2020 waxaad ku sheegtay in xubnaha boardka hay’ada ay ka jirto dano is diidan (conflict of interest). Ma waxaa jirta dano is diidan oo ka weyn inaad ina-adeerkaa koowaad aad u magacawdo maareeyeha Hay’adda isgaarsiinta?

6. Wasiir, shaqaalihii Wasaarada waxaad isugu dartay qaar aad gunada ka dhintay iyo kuwo aad kala wareegtay lambarkii shaqaalaha rayidka, adigoo ku bedeshay dad xigtadaada ah oo liiskooda la haayo. Sidey arintaas kaaga suutowday adigoo nin aqoonyahan ah?

7. Wasiir, waxaa lagaa sugaayay inaad howlaha wasaarada dardargeliso. Wax isbedel ah maadan sameynin xataa laba agaasime waaxeed maadan kala bedelin. Maxaa ugu wacnaa fadhiidnimada howlaha wasaarada?

8. Wasiir, waxaad wasiir u ahayd beel markaas baneysay kursiga Ra’iisul-wasaaraha, sidoo kalena la filaayay inay madaxweynaha u dhowaato maadaama aad xidid ahaydeen. Maxaad kaalin siyaasadeed ugu yeelan weysay xulista xildhibaanada iyo guud ahaan siyaasada, mase mashaariicda ayaa ku indhotirtay?

9. Wasiir, waxaad hore ula soo dagaashay boardka hay’ada isgaarsiinta iyo shirkadaha isgaarsiinta. Waxaad la dagaashay wasiirudowlahaaga, raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo. Hadaadan dadka la dhaqmi Karin maxaa kugu kalifaya inaad xil umadeed soo raasato?

10. Ugu dambeyntii, maxaan kaa qornaa oo kugu soo xusuusanaa inaad qabatay labadii sano ee la soo dhaafay?

Wasiir, wax kasta oo aad sameysay waa lagaa cafin karaa ee adigana cafis soo weydiiso intii aad magaca dowlada ku dulmisay.

- Advertisement -