YAAB: Haweeney Sanka ka goosatay saaxiibteed ka dibna laqday (Sawirro+Video)

Haweeney marti ku ahayd guri ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in Sanka ay ka goosatay haweeney kale kaddibna ay laqday Sankii.

Jessica Collins oo 41 sanno jir ah ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaaday haweeneyda ay martida u ahayd.

Haweeneyda dhibaatada loo gaystay oo aanan magaceeda la sheegin waxay sheegtay in Jessica Collins ay saaxibo ahaayeen oo ay habeenkaasi kasoo laabteen baar lagu caweeyo oo ku yaalla halkaasi.

Waxay sheegtay inay soo weerartay markii ay ka codsatay inay gurigeeda ka baxdo islamarkaasna ay ka dalbatay Sigaar.

Haweeneyda Sanka laga goostay waxay tiri ” waan qayliyay, Sankii ayaa liiga goostay, hadda San ma lihii”

Jessica Collins ayaa damaanad lagu soo daayay Isniinti.

Dad isa soo xilqaamay ayaa Online-ka lacaga gaaraya 12,000 doolar ugu uruurinaya haweeneyda si loogu sameeyo qalin.

HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -