Qoorqoor oo kulan la qaatay Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusaamareeb kula kulmay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa.

Masuuliyiinta uu la kulmay Qoorqoor waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib uheshiisiinta, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaasha Ciidamada, Gudoonka Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo qaar kamid ah Maamulada degmooyinka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha sanadlaha ee kobcinta dowladaha hoose, horumarka laga sameeyay dowladaha hoose iyo sidii loo dhamaystiri lahaa.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayna kula dardaarmay Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay xoojiso dadaalada loogu jiro fulinta qorshaha horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horayso dhamaystirka golayaashaa deegaanka.

- Advertisement -