Boqolaal Itoobiyaan ah oo safaf ugu jira Safaaradda Ruushka ee Addis Ababa (Sababta)

Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa safaf dhaadheer u galay safaaradda Ruushka ee magaalada Addis Ababa si ay uga mid noqdaan calooshood u shaqaystayaasha u dagaalamaya dalka Ruushka.

Xubno dadka Safaarada safafka u galay ka mid ah ayaa yiri; “Waxaan maqalnay in halkan laga qorayo dadka khibrada ciidan leh Intii aan nolosha adeeg ee Itoobiya ku silci lahayn,waxaan go’ansanay inaan nasiibkena tijaabino oo aan ka dagaalano Ukraine”

Dowlada Ukraine ayaa arrintan ku tilmaantay musiibo hor leh, haddii Itoobiyaanka loo daabulo dagaalka.

Dhanka kale, Safaraada Ruushka oo ay BBC-du arrintan wax laga waydiisay ayaa sheegtay inaysan ahayn goob dadka laga shaqaaleysiiyo, xiligana aysan qoranayn wax ciidan ah.

Ruushku ayaa horey u sheegay in ajaaniibta ka qayb-galaysa dagaalka uu Ukraine kula jiro ay siin doonaan qofkiiba lacag gaaraysa 2000 oo dollar.

- Advertisement -