Xildhibaankii ku fadhiyay kursiga HOP058 oo doorashada ka tanaasulay iyo Sanbaloolshe oo…

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacdo doorashada kursiga xildhibaan ee tirsigiisu yahay HOP058 uu ku fadhiyay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiin dhoor ah oo la filayo in saacadaha soo aadan is diiwaangeliyaan, waxaana musharaxiintan ku jira kuwa saameyn badan ku dhax leh siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo kamid ahaa musharaxiinta u taagnaa kursigan ayaa xalay xilli dambe shaaciyay in uu ka tanaasulay tartanka ,kaddib markii guddiga doorashada shaaciyeen odayaal aan aheyn kuwii uu isagu rabo in ay ergada usoo xulaan.

Qoraal uu soo saaray Nuur Iidow Beyle ayuu ku cadeeyay in uu ka tanaasulay doorashada kursiga HOP058 uu ku fadhiyay dhoorkii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna ballan qaaday in uu la shaqeyn doono qofkii ku guuleesta.

”Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda,waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas.” ayuu yiri Xildhibaan Beyle.

Doorashada kursigan ayaa loo badinayaa in uu kusoo baxo siyaasiga caanka ah ee Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ugu saameyn badan xubnaha u sharaxan, waxaana suurto gal ah in kursigaan isku soo sharaxaan rag kale oo miisaan culus oo Villada taageereyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -