Taliyaha Booliiska dowlada Soomaaliya oo ka hadlay xaalada guud ee amniga dalka

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta ka hadlay  Barnaamijka kulanka toddobaadka warbaahinta qaranka soomaaliya ayaa ka warbixiyay qodobo dhowr ah oo ay ku jireen xaaladda amni  ee dalka.

Taliyuhu waxa uu faray ciidanka Boliiska in shacabka ay kula dhaqmaan sida ugu haboon ee ay ku jirto danta sharafta iyo karamada bulshada, wuxuuna dhanka kale u mahadceliyay  ciidamada shisheeye ka qeybqaata sugidda amniga gudaha dalka

Taliyaha waxa uu sheegay in ay socdaan howlgallo joogto ah oo lagu sugayo amniga ,isla markaana ay horsed ka yihiin ciidamada booliiska, heyadaha amniga iyo degmooyinka gobolka banaadir.

Xijaar ayaa xaqiijiyay in lagu jiro xilligii soo kabashada,sidaa daraadeed,waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortago cid kasta oo isku dayda ay wiiqdo amniga dalka iyo horumarada kale ee jira.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar,waxa uu xusay in siyaabaa looga bixi karo dhibaatooyinka bulshada ay tahay in la helo  wacyigalin  ku aadan ogaanshaha qaabka shaqo ee loo baahan yahay in ay dhexmarto ciidanka iyo bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -