Guryo badan oo degnaayeen Qaxooti kasoo laabta Kenya oo ku duugmay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dabeeyla xoogan oo halkaasi ka bilowday in ay waxyeelol gaarsiiyeen guryo ay kunoolaayeen qoysas badan oo dhawaan laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee Kenya.

Sida aan wararka ku heleyno dabeeylaha ayaa burburiyay in ka badan 60 guri oo ay daganaayeen qaxootiga kasoo laabtay xerada Dadaab, waxaana guryahaasi qaarkood ka dul maray ama duugay bacaad kusoo rogmaday.

Duqa magaalada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay in dabeylaha ay waxyeelo gaarsiiyeen guryihii ay kunoolaayeen dadka dalkooda kusoo laabtay, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka guryahooda dumeen.

“Maamulka Dowladda Hoose oo gudanaya waajibaadka saaran waxa uu Ganacsatada & Cid weliba oo gacan ka geysan karta arrintaan waxa aan leeyahay bixiya shidaalka si bacaadka loo qaado, Dabcan waa awood naga weyn oo kharash & maskax badan u baahan” Ayuu yiri Faraweyne.

Maamulka Jubbaland ayaa wada dadaalo la doonayo in loogu gurmado dadka waxyeelada kasoo gaartay dabeylaha iyo carada guryahooda ku rogmaday, waxaana socda qorshe bucaadka looga saarayo guryaha uu duugay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -