Saraakiil katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo looga yeeray Xafiiska Ra’isul Wasaaraha

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu u diray taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf  kaga dalbaday in uu u yeero saraakiil katirsan ilaalada Madaxtooyada.

Saraakiiishan uu dalbaday Wasiirka gaashaandhigga in loo yeero oo gaaraya ilaa lix sargaal ayaa ah kuwa qaabilsan ilaalada madaxtooyada, waxaana lagu tuhmayaa isku daygii lagu doonayay in lagula wareego xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.

Saraakiisha la tuhmayo ee loo yeeray waxaa ku jira Taliyaha Guutada 77aad ee ilaalada Madaxtooyada Xasan Aadan Dhicis iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada,

Taliyaha ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, ay yimaadaan Xafiiska Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Akhriso Magacyada saraakiisha loo yeeray

- Advertisement -