Dab xoog leh oo goor dhow ka kacay suuq ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dab xoogan ayaa goordhow oo barqadii ah ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa Sei-biyaano oo ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa ku faafayaa suuqa waxaana ka dhashay khasaaro hantiyeed oo fara badan, iyadoo uurada dabka oo cirka isku shareertay laga arkayo hawada magaalada.

Waxaa socda gurmadyo kala duwan iyo dadaalo ku aadan sidii dabkaasi loo demin lahaa, loogana hortegi lahaa inuu geysto khasaare kale, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta dhalisay.

La soco wixii ku soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -