Taliska ciidanka PSF oo War cusub soo saaray & Wararkii u dambeeyey Xaalada Boosaaso

Taliska ciidanka PSF ayaa ogolaaday xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso taasoo ay soo jeediyeen isimada Puntand si miiska wadahadalka la iskugu yimaado.

Qoraal uu soo saaray Agaasimihii PSF ayuu ku sheegay in aysan jirin sabab ay xabbad u bilaabaan islamarkaana diyaar u yihiin wada-hadal iyo heshiis.

Wasiirka amniga Puntland C/Samad Galan ayaa mar sii horeysay shaaciyey iney dhankooda sameynayaan xabad-joojin isagoo ciidanka PSF uga digay iney dagaalka sii wadaan

Xabad-joojinta ka hor wafdi ka socda isimada Puntland ayaa kulamo la qaatay taliyaha diiday xilka qaadista ee ciidanka PSF Gen. Mohamoud Osman Diyaano iyo masuuliyiinta maamulka Puntand

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa deganeyd gelinkii dambe ee maanta ka dib marki ay dhaqan hashay xabad joojinta, inkastoo ciidamadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana caadi ku soo laabtay socodkii dadka iyo gaadiidka.

Dagaaladan ayey ku dhinteen in ka badan 14 qof, iyo tobannaan kale oo ku dhaawacantay, waxaana ka dhashay barakac xaafadaha qaarkood.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PSf

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -