Donald Trump: “Netanyahu wuu i khiyaanay, dhabarka ayuuna iga toogtay”

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyey Ra’iiul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku eedeeyay inuu khiyaanay

Trump ayaa sheegay inuu ka carooday qaabkii uu Netanyahu ugu hambalyeeyay madaxweyne Joe Biden kadib guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ee looga adkaaday Trump sanadkii la soo dhaafay ee 2020-kii.

“Netanyahu wuu i khayaanay oo dhabarka ayuu iga toogtay” ayuu yiri Trump oo intaas ku daray in intii xukunka hayey uu Israiil ka badbaadiyey khataro badan oo soo food saaray.

Netanyahu wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha Israel,markii Trump uu isana ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka,waxaana labada nin ka dhaxeeyay xiriir shaqsiyadeed oo xoogan iyaga oo waliba isku ammaani jiray fagaarayaasha marka ay khudbadaha jeedinayaan.

Hadalka Trump ayaa yimid xili uu bixinayay waraysiyo ku saabsan buug uu kaga hadlay doorkiisii nabadaynta bariga dhexe. Maamulkii Trump ayaa xiligiisii qaatay siyaasado taageersan Israa’iil oo aan horay loo arag taariikhada mudadii uu jiray xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -