Cumar Filish: “Suuq Maandooriyaha lagu iibiyo ayey isku bedeshay degmada..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulanka Wadatashiga Horumarinta Amniga Degmada Kaaraan.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Aminiga gudaha xildhibaano  odayaasha duubabka dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Waxaa kulankan lagu lafa guray sidii wax looga qaban lahaa amni daro xooggan oo maalmahan ku soo siyaasaday xaafadaha degmada Kaaraan halkaasoo ay ka dilaaceen kooxo burcad ah barqo cad dhac u geysta shacabka.

Cumar Filish ayaa sheegay in amni xumada ka jirta degmada Kaaraan ay sababtay in degmada noqotay suuq maandooriyaha lagu iibiyo, lehna warshado qamri macmal lagu farsameeyo oo aan si sahlan lagu suuli karin ayna leeyihiin ilaalo hubeysan iyo awooddo aanu carabaanin

Waxaa uu sheegay in kooxahaas ka awood badan yihiin ciidanka Booliska, Nabadsugida iyo Maamulka degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -