Madaxweyne Laftagareen oo soo dhaweyntiisa saf dheer loo galay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar maalmo qaatay ugu maqnaa Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
 
Garoonka Diyaaradaha Aadan cade wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa kuso dhoweyey oo saf dheer u galay Wasiiro katirsan Xukuumada ,Xildhibaano,Sarakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan Bulshada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho in uu la kulmo madaxda dowlada federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ku jiraan Musharaxiinta mucaraadka.
Dib ugu soo laabashada dalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kusoo aadeysa xili lagu wado in dowlad goboleedyada dalka ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -