Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Shabakad isku xiran oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan…

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay shabakad isku xiran oo katirsan Al Shabaab kana howlgali jiray magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shabakadan ciidamada NISA gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in ay ka shaqeyn jireen qal qal gelinta amaanka magaalada Baydhabo sidoo kale magaaladaasi ka geesteen falal amaanka lidi ku ah sida dilal iyo qaraxyo.

Taliyaha Nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in shabakada la qabtay ay ka koobnaayeen 12-ruux, waxa uuna xusay in xubnahan ku socdaan baaris lana horgeyn doono cadaalada.

Ciidamada NISA xubnaha ay qabteen ee ku jira Shabakadda ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad qabay baahiyaha gaarka ah, kuwaa oo qeyb ka ahaa falalka amaan daro ee ka dhici jiray magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyay ka fulisay marar badan magaalada Baydhabo, lamana oga waxa ay amaanka magaaladaasi ka bedeli karto qabashada shabakadan isku xiran ee ka howlgali jiray Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -