Dabley hubeysan oo caawa toogasho ku dishay Cabdinaasir Max’uud Cabdi

Dabley hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida ka xoogsada dalkaas.

ALLAHA u Naxariistee Cabdinaasir Max’uud Cabdi ayaa lagu dilay xaafada M/Plain ee magaalada Cape-town ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan sida laga soo xigtay Soomaalida ku nool dalkaas.

Lama faahfaahin sababta iyo qaabka uu u dhacay dilka wiilkan oo ka mid noqday Boqolaal Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika sanadihii la soo dhaafay.

Ciidanka Booliska Magaalada Cape-town ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayaan raggii hubeysnaa ee dilay marxuum Cabdinaasir Max’uud Cabdi oo goobta ka baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -