Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Rooble

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku aadanaa dadkii rayidka ahaa ee laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble war aan sal iyo raad laheyn ka sheegay maamulkooda una soo jeediyay eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka dadka looga musaafuriyay Laascaanood.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

Wasaarada arimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in mudo 30-sano ah hoy u aheyd dad kasoo jeeda Koonfurta Somaliland, waxa ayna xustay in codsi ka yimid dadka deegaanka lagu musaafuriyay qoysas badan oo kunoolaa Laascaanood.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aanka dadkan lagu musaafuriyay ay noqotay qasab kadib markii ay soo baxeen warbixino sirdoon oo tilmaamaya shaqsiyaad halis galinaya amaanka bulshada magaalada ku dhaqan.

“Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulka Somaliland ayaana ku eedeesay dowlada federaalka Soomaaliya in ay fara galineyso arimaha fudaha Somaliland, waxa ayna cadeesay Somaliland in aan loo dulqaadan doonin daandaansiga dowlada federaalka ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -