(Sawirro) Muxuu Shiikh Shariif kala hadlay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi?

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo dhowaan dib loogu doortay Kursiga Senatar ee Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Shariif ayaa ku bogaadiyay tanaasulkii ay muujiyeen iyo sida wanaagsan ee ay labada Mas’uul u hoggaamiyeen doorashada Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

“Waxaan hooygooda magaalada Muqdisho ku booqdey Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo R/wasaare xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo aan kawada hadalnay si guud xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka” ayuu yiri Shariif oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Shariif ayaa ku amaanay labada masuul kaalinta ay ka qaateen khilaafkii dhexdooda ka jiray.

“Waxaa Si gaar ah waxaan uga mahad celinnay doorkii ay ka qaateen doorashadii kuraasta aqalka sare ee Gobollada Waqooyi iyo biseylka tanaasul ee ay muujiyeen, waxaan la wadaagnay sida aan uga rajeyneyno in sida ugu dhow loo bilaabo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee BFS” ayuu intaas ku daray Shariifka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -