Wararkii Ugu Dambeeyay Afgembigii Fashilmay ee Sudan iyo Saraakiil badan oo la xir xiray

Waxaa maanta dalka Sudan ka dhacay Afgembi fashilmay ay soo maleegeen saraakiil iyo askar katirsan ciidanka milatariga dalkaasi, kuwaa oo doonayay in ay xoog kula wareegaan talada dalkaasi oo hada ku jira gacanta milatariga.
Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii saakayto la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sarkaalkii hoggaaminayey Isku-dayga Afgembiga.
 
Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada dalka Sudan ayaana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey ee saakay ka dhacay dalka Sudan..
 
Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihii hore  ee Sudan, General Omar Hassan Albashiir ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee dalkaasi.
 
Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Sudan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda Omdurman ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartoum.
 
Ciiddankaasi oo watay Taangiyo waxay xilli kooban xireen Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartoum iyo Omdurman, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman ee Sudan.
 
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Sudan waxay rumeysan yihiin in qaar ka mid ah Saraakiisha Afgembiga ay weli ku jiraan Gudaha dhismooyinkii ay galeen, laguna hareeraysan yahay, waxaana socda Wada-xaajoodka lagu doonayo inay Saraakiisha Afgembiga horkacayey si nabad ah sku soo dhiibaan.
 
Waddanka Sudan waxaa horey uga dhacay Tobaneeyo Afgembi Milliteri oo kii ugu dambeeyey xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Albashiir bishii April ee sanadkii 2019-kii.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -