Villa Somalia oo War ka soo saartay shirkii loo balansanaa ee guddiga amniga Qaranka

Qoraal uu goor dhow soo saaray Madaxa warfaafinta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay shirkii guddiga amniga Qaranka ee maanta loo balansanaa.

Shirkan oo uu horey u iclaamiyey Madaweyne Farmaajo ayaa la filayey in warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil looga dhegeysto taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Somalia warka ay soo saartay laguma sheegin sababta baajisay shirka waxaase la aaminsan yahay in baaqashada shirkan uu sabab yahay Fahad Yaasiin oo maanta lagu waday inuu dalka soo gaaro balse aan weli maqan.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo caawa ka so baxay Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -