Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Cadale (Sawirro)

Waxaa maanta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe gaaray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo masiiliyiin kale ayaa maanta Degmada Cadale kusoo dhoweeyay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynayaashii hore iyagoo si wadajir ah kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo soo dhoweynta ka hadlay ayaa madaxda iyo wafdiga ay hogaaminayaan kusoo dhoweeyay Degmada Cadale oo ah degmo xeebeed qurux badan.

- Advertisement -