Haweeney dilaa ah oo laga baadi goobayay Kenya oo la helay iyada oo Meyd ah

Haweeneyd askariyad ah oo katirsaneyd ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa laga heley meydkeeda guriga qoyskeeda kunool yihiin oo kuyaala deegaanka Elgeyo Marakwet ee katirsan  gobolka Rift Valley.

Askariyadan meydkeeda la helay ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga baadi goobayay gudaha dalka Kenya, waxa ayna ku eedeeysneyd dilka labo nin oo mid kamid ah ahaa askari halka kan kalana uu ahaa saaxiibkeed.

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaana baadi goob ugu jiray sidii ay usoo qaban lahaayeen Caroline Kangogo oo hubeesneyd, waxa ayna shacabka horey booliiska uga codsadeen in ay ka fogaadaan kuna soo wargliyaan haweeneydaasi hadii ay arkaan.

Waalidiinta dhalatay askariyada ayaa horey uga codsaday gabadhooda in ay isku dhiibto ciidamada booliiska, hasa ahaatee asakiriyada ayaa la sheegay markii ay guriga waalidiinteeda tagtay ay is dishay.

Caroline Kangogo waxay ka tirsaneyd Waaxda Dembi-baarista ee Booliska dalka Kenya, waxayna ka howlgali jirtay kiisaska maxkamadaha la xiriira, waxaana la sheegay in ay aheyd askariyad si wanaagsan u qabsata shaqadeeda.

Sheekada askariyadan dilaaga aheyd ayaa qabsatay warbaahinta dalka Kenya markii ay haweeneydan waqti isku dhaw siyaabo kala duwan u dishay askari ay iska shaqeenayeen iyo nin kale oo saaxiib ahaayeen oo kunoolaa magaalo ka fog halka dilka hore ku geesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -