Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ugu Hanjabtay muwaadiniinta taga Soomaaliya Ganaax lacageed iyo Xabsi !

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Koonfurta Kuuriya waxay dhawaan soo saartay Digniin ku wajahan ciqaab ay muteysan doonaan Muwaadiniintooda socdaalka ku taga dalka Somalia iyo Waddamo kale.
 
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta ku xad-gudubta Amarkaasi ee socdaal ku taga dalalka Somalia, Syria, Iraq iyo Afganistan ay muteysan karaan Xabsi Hal sano ah ama Ganaax Lacageed oo dhan 10 million ee Lacagta dalka Koonfurta Kuuriya ee loo yaqaano Won, una dhiganta 3,837 Dollarka Maraykanka.
 
Ganaaxaasi ayaa lagu lifaaqay Sharciga u degsan dalkaasi ee lagu mamnuucay in loo socdaalo Waddamada laga digay.
 
Dowladda Koonfurta Kuurya waxay Bilowgii isbuucan muddo 6 bilood ku kordhisay Xayiraadda dhanka Socdaalka ee horey loogu soo rogay Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Iraq, Yemen, Libya, Afganistaan iyo Gobalka Koonfurta dalka Filibiin.
 
Somalia waxay xayiraadaasi saarnayd Tan iyo sanadkii 2007-dii, sida ay shaacisay Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee Yonhap News Agency.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo beel oo kala dega Galmudug iyo Puntland oo socda

Cabdi Cade

Laftagareen & Qoorqoor oo kulan xasaasi ah ku leh Baydhabo

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo amaanka oo la adkeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---