Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Taliye Farxaan Qaroole

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw lala eegtay gaadiid uu la socday taliyaha ciidanka booliiska qeybta Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Qaroole.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala beegsaday kolonyada gaadiidka uu la socday Taliye Farxaan Qaroole.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray ku sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah uu ka bad baaday taliye Farxaan Qaroole oo la doonayay in lagu dilo, waxa uuna xusay afhayeenka in qaraxa uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaewwac soo gaaray dad shacab ah iyo qaar kamid ah ilaalada taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxa ka dhashay.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa xiray ciidamada booliiska Soomaaliya, waxaana goobta gaaray saraakiil katirsan ciidanka booliiska iyo masuuliyiin kale kuwaa oo u kuurgalaya khasaaraha ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -