Qoor Qoor oo soo bedelay Xubnihii Guddiga Doorashada ee Cabashada laga keenay (Magacyada)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xubno cusub kusoo badalay xubnihii guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka doorashada ee dhawaan cabashada laga keenay.

Maamulka Galmudug oo ahaa maamulka kaliya ee loo xayirnaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka ayaa ugu dambeyn maanta gudbiyay liiska xubnaha lagu bedelay kuwa laga saaray guddigii hore.

Madaxweynaha Galmudug xubnaha uu soo magacaabay ee lagu bedelay xubnihii cabashada laga keenay ayaa kala ahaa sadex xubnood oo guddiga doorashada heer dowlad goboleed iyo xubin katirsan guddiga xalinta khilaafaadka.

Halakn ka Akhriso Magacyada afarta xubnood usoo magacaabay Qoor Qoor

1- Yahye Cismaan Gedi
2- Mahad Abdullahi Mahamud
3- Hawo Adan Yare Culusow
Guddiga Xalinta Khilaafaadka
4- Ayan Abdirahman Mahamud

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -