Axmed Madoobe oo Aqalka martida ku casuumay Jeneraal Jeff Nyagah iyo Saraakiil kale

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida kulan qado sharaf ah kula qaatay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubaland Jeneraal Jeff Nyagah iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
 
Madaxweynaha iyo Sarakiishan uu Taliyaha hogaaminayay ayaa lagaga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah.
 
Waxa ayna labada dhinac isla soo qaadeen in laga maarmaan tahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.
 
Ciidamado katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ku sugan deegaano katirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -