(Magacyada) Saddex ka mid ah dalalka Islaamka oo maanta laga sooman yahay

Dalalka Islaamka intooda badan ayaa maanta oo Khamiis ah looga dabaaldegayaa Ciidul fitriga sanadkan, waxaana jira dhowr dal oo maalinta Jimcaha ee Berri Ciidi doona, kuwaasoo shaaciyey inay bishii waayeen maqribkii xalay.

Dalalka Jimacaha Berri ay Ciid u tahay waa dhowr dal oo horey soonka u bilaabay Arbacadii, maantana ay u tahay 30-ka Ramadaan.

Dalalka beri oo Jimco ah laga ciidayo ayaa waxay kala yihiin: Brunei, Bangladesh iyo Muslimiinta India, waxaana dalalkan laga soomay 29 maalmood, iyagoo maanta buuxinaya 30-ka Ramadaan.

Waxaa shalay oo Arbaco ah u ciiday illaa afar dal oo Afrikaan ah iyo Alshabaab oo maamusha degaano ka mida Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa maanta laga ciidayaa inta badan dalalka Islaamka oo ay ka mid yihiin Jordan, UAE, Bahrain, Algeria, Sudan, Iraq, Kuwait, Morocco, Saudi Arabia,  Yeman, Indonesia, Pakistan,  Turkey, Somalia, Tunisia, Syria, Oman,  Palestine, Qatar, Lebanon, Libya,  Malaysia,  Egypt iyo Mauritania.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -