Khaad laga soo dhoofin rabay Kenya oo la joojiyay iyo Ganacsato ku khasaartay

Ganacsatada Khaatka ee Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya, iyagoo filayay in khaadkooda ay u dhoofin karaan Muqdisho.

Khaad loo dhoofin rabay Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in uusan gaarin halkii loo waday, sida ay sheegeen ganacsada dirsatay.

Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatadaas ayaa BBC u sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.

“Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan.” Ayey tiri Nuuriya.

Waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin cid u sheegtay ilaa hadda in khaadkoodii la dhoofiyay iyo in uu Kenya weli yaalo.

Nuuriya ayaa dhanka kale sheegtay in aysan garanaynin sababta dhabta ah ee aysan khaadka u dhoofin karin xilli khilaafkii Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeyay ay ka heshiiyeen, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan soo celiyay xiriirkooda diblumaasiyadeed oo go’ay sanadkii hore, waxaana talaabada xiriirka lagu soo celiyay ka shaqeesay dowlada Qadar oo saameyn dhaqaale iyo dano kale ka leh labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -