Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku toogtay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Marxuum Aweys Cumar Salaad ayaa ka mid ahaa Saraakiil xigeenada Hogaanka Warshadaha iyo Wax soo saarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay ka baxsadeen, iyadoo marxuumkuna uu isla goobta ku qurbaxay.

inkastoo aysan jirin cid sheegatay dilkan haddana kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga ayaa looga bartay dilalka noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -