Xukuumada oo War kasoo saartay kulankii dhax maray Rooble iyo Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamo la qaatay madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo siyaasiyiinta Midowga Murashaxiinta. Kulankan ayaa looga arrinsanayey xoojinta nabadda iyo xasiloonida caasimadda dalka, kadib shaqaaqooyinkii maalmihii u danbeeyey ka dhacay magaalada.

Kulankan ayaa dhinacyadu iska xog waraysteen arrimaha mudnaanta leh xilligan iyo sida loo dardargelin karo geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Wada-hadaladan uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horudhac u ah dadaalo la doonayo in lagu abuuro jawi nabdoon, si loo helo xasilooni lagu qaban karo doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya heshiis siyaasadeedkii 17-kii sebtembar, ayaa dhinacyada la wadaagay baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa, isagoo ku adkeeyey madaxda Dowlad Goboleed-yada iyo Midowga Murashaxiinta inay qaataan doorka kaga aadan nabadda iyo doorashooyinka.

Kulamada uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo dhammaaday guul, iyadoo dhinacyadu muujiyeen sida ay uga go’an tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, xasiloonida iyo doorashooyinka qaranka.

- Advertisement -