Dad iskugu jira Soomaali iyo ajaaniib Maxkamad lagu soo taagayo Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in Sabtida 17-ka April 2021 ay fureyso dacwad ka dhan ah 6 qof oo ajnabi ah kuwaasoo ay ku jiraan madaxda Hay’adda cilmi baarista Sahan Research ee fadhigeed yahay dalka Kenya.

Qoraalka Maxkamadda oo maanta soo baxay ayaa lagu sheegay in lixdan uu ku furan yahay dacwad ciqaab ah oo loo heysto inay ku kaceen faafin xogaha Amniga Qaranka iyo Basaasid siyaasadeed & mid ciidan oo ku xusan qodobadda: 199/200/201/202 /204 iyo 205.

Xubnaha Maxkamadda G/Banaadir dacwadda kusoo oogeyso iyagoo maqan ayaa kala ah sida ku xusan qoraalka:-

1- Matt Bryden oo horey u ahaa madaxa Guddigii QM ee dabagalka xanibaada hubka Somalia

2- Rashid Abdi
3- Robinson Colin
4- Kheyre Abdrahman Rage
5- Emmanuel Deidder
6- iyo David Hopkins

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda Sahan hore dalka uga mamnuucday Bishii Disembar 2018, waxaana laba sano kadib Disembar 2020 uu xeer ilaaliyaha Qaranka sheegay in la dhammeystiray dacwaddii Hay’addasi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -