Dowladaha Mareykanka iyo UK oo u hanjabay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaan wali ku heshiin doorashada waqtigeeda la dhaafay ee dalka ka dhaceysa, waxaana wali khilaaf xoogan ka taagan yahay qabashada doorashada iyo sida loo wajahayo.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo qabtay dhoor mar shirar looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada ayaa horey ugu baaqay madaxda Soomaalida in xal deg deg ah ka gaaraan khilaafka doorashada.

Dowladaha Mareykanka iyo UK oo kamid ah Shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka ama awooda qayaxan ayaa markan  fariin hanjabaad ah usoo diray madaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Sida aan xogta ku helnay dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa qoraal ay soo gaarsiiyeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble si cad ugu sheegay in talaabo adag ka qaadayaan madaxda caqabada ku noqota in lagu heshiiyo doorashada.

Dowladahan awooda badan ku leh golaha amaanka ayaa ugu baaqay madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada in heshiis ka gaaraan qabsoomida doorasho xur iyo xalaal ah ayna raali ka yihiin dhinacyada siyaasada.

Mareykanka iyo UK ayaa qoraalka la sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble soo gaarsiiyeen ugu sheegay in cunaqabateyn kusoo rogi doonaan cidii la imaan weysa tanaasul iyo dabacsanaan caqabadna ku noqota qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Fariintan hanjabaada ah iyo dadaalada ay wadaan wakiilada beesha Caalamka ayaa keentay in madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isugu yimaadaan shir aan warbaahinta loo ogolaan walina aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -