Puntland oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Wasiirka Duulista hawada DF

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay in sababo amni darro darteed dhawaan  u joojiyeen diyaar u safri lahayd deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Diyaaradan laga celiyay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa la sheegay in ay la socdeen saraakiil u dhalatay dowlada Imaaraadka Carabta, waxaana warar kala duwan kasoo baxayeen sababaha keenay in diyaaradaasi hawada laga celiyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf ayaa sheegay in warka kasoo baxay Wasiir Oomaar uu yahay weerar sumcad dil ah oo ka dhan ah badqabka diyaaradaha rayidka ee ka howlgala garoomada Puntland.

“Waxa aan ka sugaynaa Wasiir Oomaar inuu caddayn rasmi ah ka keeno amni darrada uu ka faafiyey Garoomada Puntland, haddii kale waxaan u arkaynaa shiddo abuur iyo dhagar hor leh oo weerar ku ah sumcadda iyo badqabka diyaaradaha rayidka ah ee ka hawl-gala Garoomada Puntland“. ayuu yiri Agaasime Cismaan Cali.

Waxa uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland in maamulkooda u taagan yahay tayeynta iyo ilaalinta badqabka garoomada diyaaradaha ee kuyaala deegaanada Puntland.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan arimo siyaasadeed owgeed hawada uga celisay diyaarado qaarkood ku dagi lahaayeen garoomo diyaaradeed oo kuyaala maamul goboleedyada dalkla qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -