Maamulka Koonfur Galbeed oo amar adag ku soo rogay Mootooyinka Bajaajka

Shirka maanta ay yeesheen Guddiga La socodka Xaaladaha COVID-19 ee Koonfur Galbeed oo uu Shir Guddoominayay Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa waxaa loogu hadlay arrimihii ugu danbeeyay COVID-19 ee Deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa shirka laga soo saaray Amar cusub oo lagu ciqaabayo Gaadiidleyda Bajaajta iyo Dhaweeyaha ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed oo u hogaansami waayay Amaro uu horey usoo saaray Guddiga kaasoo la xiriiray Xakameynta Faafitaanka Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay laga bilaabo 24 bishan Marso ilaa 27 Marso 2021, dhammaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan ka shaqeyn doonin Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta iyo Dhaweeyaha sababo la xiriira u hogaansamid la’aan qodobadii ay dhawaan soo saareen Guddiga ee ka midka ahaa xirashada Afsaarka (Facemask) iyo in dadka ay kala fogaadaan.

Ugu danbeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya, Hey’addaha iyo Jaaliyaddaha Koonfur Galbeed inay kaalin muuqata ka qaataan baahiyaha kajira deegaanada Koonfur Galbeed ee ku aadan cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -