Faahfaahin: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Qarax xooggan ayaa ka dhacay caawa fiidnimadii magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada la dhigay ayaa ka dhacay jidka isku xira xerada Afisiyooni iyo Km4.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari uu la socday Col. Cumar Cabdiraxmaan oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka kaasoo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, halka 3 ka tirsan ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka DF ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay halkaasoo baaritaano ay ka wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -