Iska horimaad caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Belad-weyne

Iska horimaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan DF ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Belad-weyne ee gobolka hiiraan

Goob joogayaal ayaa sheegaya in iska horimaadku bilowday markii ciidamo hubeysan ay weerareen Bar Kontrol oo Booliska Hirshabelle Ā Cashuurta kuĀ  qaadaan, taasoo ku taalla duleedka magaalada Baladweyne.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlay aaga la isku fara saaray ee magaalada, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaaday inay ka tirsan yihiin Militeriga Soomaaliya, gaar ahaan qeyb 21-aad ee tababarka kuĀ  qaadanayay Xerada Harqaboobe.

Bartii kontrool ee ciidamada Hirshabeelle canshuurta ku qaadi jireen ayaa waxaa la wareegay ciidamadii weerarka soo qaaday sida wararku nagu soo gaarayaan, waxaana caawa kacsanaan laga dareemay xaalada magaalada Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -