Farmaajo oo joojiyey howl burburin ah oo laga bilaabay dugsigii hoyga Xamar

Ciidamada Booliska Somalia ayaa saaka howlgal burburin ah ka bilaabay dugsiga hoyga Xamar oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka dib amar ka soo baxay Maxkamada gobolka Banaadir.

Dhulka uu ku fadhiyo iskuulkan oo ah dhul dan guud ah oo ay leedahay Wasaarada Waxbabarshada DF ayaa Maxkamada gobolka Banaadir waxay dhowaan u xukuntay rag ganacsato ah oo ka iibsaday dad si sharci daro ah u sheegtay in dhulkan ay iyaga horey u lahaayeen.

Muranka ka taagan dhulkan ayaa muddo badan soo jiitamayey, waxaana xukunka Maxkamada gobolka Banaadir ay ka soo saartay uu cadeyn u yahay heerka ay gaartay cadaalad darada ka jirta maxkamadaha dalka.

Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in la joojiyey howlihii burburinta ahaa ee ka socday dugsiga hoyga Xamar ka dib amar ka soo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee dhinaca siyaasada iyo amniga ee gobolka Benaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu soo fara geliyey, isla markaana joojiyey burburinta saaka ka bilaabatay iskuulkan.

“Waan u mahadcelinaynaa Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jawaab degdeg ah ka bixiyay baaqeenii saaka ee iskuulka hoyga xamar ahaa amrayna Taliyaha Ciidanka Booliiksa Soomaaliyeed in si degdeg ah loo joojiyo burburinta iskuulka oo xalay saqdii dhexe lagu dheelmaday” ayuu yiri Tuulax.

Waxaa uu sheegay in amarka lagu burburiyey dugsiga hoyga Xamar aysan la socon madaxda DF, uuna ahaa mid ay wateen shaqsiyaad gaar ah.

“Waa inoo muuqatay inuu ahaa amarkaas amar aysan wada ogeyn dawladda oo qolo gaar ah ka faaidaysanaysay haddaba Taliska ciidanka ee burburiyay fasaladii iyo qolalkii jiifka ardayda iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda waxbarashada waxaan si degdeg ah uga codsanaynaa inay mudo gaaban ka hawlgalaan sidii loo dhisi lahaa fasaladii ay burburiyeen maadaama amarka la sheegay inuu qalad ahaa” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee dhinaca siyaasada iyo amniga ee gobolka Benaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in deg deg dib loogu dhiso iskuulkan.

“Si gaar ah mudane Madaxwayne waxaan kaa codsanaynaa inaad amarto in degdeg loo dhiso fasaladii iyo qolalkii jiifka ardaydaas maanta banaanka taagan ee gacanta dawladda lagu burburiyay” ayuu yiri Tuulax.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu gaaray dugsiga hoyga Xamar uuna joojiyey burburintii socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -