Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka xumaaday in Musharaxiinta qaar la kulmaan Qoor Qoor iyo Guudlaawe

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax aan  habooneyn ku tilmaamay in Madaxdii hore ee dalka kana mid ah Musharaxiinta la kulmaan Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in aysan habooneyn in lala kulmo Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor iyaga oon cadeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii dowlada ku qaaday Siyaasiyiinta shacabka deegaanadooda kasoo jeeda.

Madaxweynaasha Hirshabelle iyo Galmudug ayaa xalay siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta sida Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Musharax Warsame

Waxaan marna maangal ahayn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degan yihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo mudaaharaad nabad ah dhigaya.
 
In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyada saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dawlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diidan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxay guddanayaan waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah.
 
Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybaystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta.
Ma haboonayn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan cadayn mowqif ay ka taagan yihiin weeraradii waxshinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deeganadooda metelaan.
 
Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana camiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -