Dowlada oo shaacisay in Puntland iyo Jubbaland aysan aqbalin Shirkii uu Iclaamiyay Farmaajo

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay dhawaan shir looga hadlayo arimaha dooarshada oo lagu waday in Muqdisho ka furmo 18-ka bishan.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labo maamul goboleed oo loola jeedo Puntland iyo Jubbaland aysan aqbalin kasoo qeyb galka shirka uu iclaamiyay Farmaajo.

Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa sheegtay in sadex kamid ah maamulada shirka lagu casuumay Madaxdooda ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaana wasaarada ugu baaqday Madaxda Jubbaland iyo Puntland in shirka kasoo qeyb galaan.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali soo gaarin magaalada Muqdisho oo la filayo in shirka ka furmo, mana jiro ilaa hada wax war ah oo ku saabsan shirkaasi oo kasoo baxay madaxda labada maamul.

Warar soo baxayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa ku waramayay in madaxda Puntland iyo Galmudug shuruudo ku xireen ka qeybgalka shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho kadib khalalaasihii ka dhacay Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -