Xukun Adag oo lagu riday Alexei Navalny iyo taageerayaashiisa oo banaan baxay (Sawirro)

Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ,ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kadib markii dhawaan ciidamada booliiska dalkaasi ka xireen garoonka diyaaradaha Moskow uu kasoo degay xili uu kasoo laabtay dalka Jarmalka.

Maxkamad ku taala magaalada Moscow ayaa shalay xabsi saddex sano iyo bar ah ku xakuntay, hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny, oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay inusan ka bixi karin Ruushka.

Hogaamiyahan ayaa sanadkii hore u baxay dalka Ruushka oo looga soo daweenayay sun la siiyay xili uu ku sugnaa gobol katirsan dalka Ruushka, waxaana la xiray markii uu kasoo laabtay dalka Jarmalka oo lagu soo daweeyay.

Alexei Navalny xukun lagu riday tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka looga arimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

Taageerayaasha Hogaamiyaha mucaaridka Ruushka ayaa waxyar kahor markii xukunka lagu riday isugu soo baxay magaalada Moskow iyo magaalooyin kale oo kuyaala dalkaasi, ciidamada ayaana awood u adeegsaday dibad baxayaasha oo qaarkood la xir xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -