Maraykanka oo sheegay inuu burburiyey saldhigyo ay laheyd Al-Shabaab

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kumandoska ayaa si wadajir ah laba weerar ugu qaaday saldhig ay Al-shabaab leedahay

War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in  laba weerar lala beegsaday xarumo ay Al shabaab ku lahaayeen degaanka Kuunyo Barrrow ee gobolka Sh/hoose.

“Baaritaannada ilaa hadda la sameeyay laguma xaqiijinin wax dhimasho ama dhawaac ah oo soo gaaray dad rayid ah sida lagu sheegay war-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin khasaaraha Al-shabaab ka so gaaray weeraradan

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada uu Soomaaliya ka fuliyo tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Dobald Trump qabtay xilka madaxweynaha.

Sanadkii ugu horreeyay ee madaxweynenimada Trump ee 2017-kii waxay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen 27 weerar oo lagu beegsanayay fariisimaha al-shabaab iyo xubnaha xururkaas.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga oo tiradoodu gaareyso 700 oo askari ay isku diyaarinayaan iney ka baxaan dalka ka dib markii amar arintaas la xiriira uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanka Trump.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AFRICOM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -