Xasan Shiikh oo ku baaqay in Xal deg deg ah loo helo muranka ka taagan doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka Madasha talo wadaaga ee ka furmay Garoowe ayaa u mahadceliyay Madaxda dowlad Goboleedka Puntland iyo kuwa Machadka Herritage, waxaana uu ku dheeraaday ka hadalka marxaladihii loo soo maray dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay siyaasad miyir qabta in xiligan adag looga saaro.

“Dowlad dhisidda Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan tan iyo markii uu burburka dhacay, iyadoo shirar badan lagu qabtay dalka Jabuuti iyo kuwa kale, waxaana la sameystay cahdi KMG ah, muddo kaddib sanadkii 2012 waxaa lagu heshiiyay nidaam dastuur ah oo dhigaya in la qaato Federaal, iyadoo Dastuurka si KMG ah loo ansixiyay”. ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dhaqan geliyo waxyaabaha lagu heshiiyay, isla markaaana laga baxo hanaanka doorasho dadban, isagoo xusay in nidaamka hannaankaaas loo marayo ay tahay qodobada kala ah, in la dhameystiro Dastuurka KMG ah, in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah iyo nidaamka xisbiyada dib loo eego iyo in la qabto doorashooyinka dowladaha Hoose, si nidaamka Federaalka uu u dhaqan galo.

Madaxweynihii hore ayaa soo jeediyay in la qabto shir fool ka fool ah oo lagu xalinayo wixii mugdi ah ee jira, si xal waara looga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla markaana gogosha shirka la balaariyo oo ay ka qeyb galaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro talo kama dambeys ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -