Wasiir isir naceyb ku tilmaamay dhibaatadii loo geystay Ciyaartoyda K/Galbeed

Wasiirka dhalinyrada iyo isboortiga ee Maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Cali Aadan (Najax) ayaa si yaab leh uga hadlay falkii shalay lagu dhaawacay ciyaartoy ka tirsan kooxda Koonfur galbeed.

Taageeraayaal qaswadeyaal ah ayaa dhagxaan ku weeraray bus ka soo baxayey garoonka Konis Istadium oo ay la socdeen ciyaartoyda Koonfur galbeed, wax yar ka dib markii ay dhamaatay ciyaartii looga adkaaday ee ay la yeesheen kooxda gobolka Banaadir, waxaana falkaas aad uga xumaaday shacabka magaalada Muqdisho oo arintaas si xoogan uga falceliyey iyagoo adeegsanaya baraha bulshada.

“Kubada cagta waa nabad iyo isdhexgal bulsho Waxaan aad ugu xunahay in la bartilmaameedsado ciyaartoyda, masuuliyiinta, macalimiinta iyo qaar kamid ah taageerayaasha KGS” ayuu yiri Najax.

Wasiirka dhalinyrada iyo isboortiga ee Maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Cali Aadan (Najax) ayaa falka lagula kacay ciyaartoyda K/Galbeed ku sifeeyey mid isir naceyb ah xili uu ka jawaabayey qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka gobolka Benaadir ee dhinaca amniga Cali Yare Cali oo sheegay in dadka dhibaatada geystay laga yaabo iney ahaayeen dad doonaya iney weeraraan ciyaartoyda gobolka Benaadir.

“Tani waa marin habaabin qaawan, waxayna dhaawacaysaa masuuliyadiina iyo xadgudubkii isir neceybka ahaa ee lagu beegsaday ciyaartoyda, masuuliyiinta iyo shacabka KGS ee u soo daawasha tagay ciyaarta” ayuu yiri Najax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -