Goodax Barre oo hanjabaad dadban u diray Madaxda sare ee dowlada Somalia

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ay gashay marxalad adag, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay shacabka gobolka u adeegsaneyso farsamadii uu isticmaarku adeegsan jiray.

Wuxuu uga digay dowladda inay joojiso Ciqaab Wadareedka lagu hayo bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan sida uu yiri.

”Farsamadan cusub ee dowladdu u isticmaaleyso shacabka reer Hiiraan, waa farsamadii isticmaarku adeegsan jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu talin,” ayuu yiri Xildhibaan.

Dowladda Somalia ayuu sheegay lagula xisaabtami doono oo aan marnaba looga hari doonin dhibaatooyin uu sheegay inay ka wado magaalada Beledweyne.

“Haddii dhibaatadu sii socoto ogaada in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne, waxaana dhici doonta in dad badan maxkamad loo soo taago” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Goodax oo sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyey iney magaalada Belad-weyne ka dhigtay xabsi dusha ka furan.

Magaalada Beledweyne waxaa maalmahan ka jirtay xaalad adag oo dhinaca amniga ah kaddib markii ay bulshadu ka horyimaadeen xarig lagula kacay dhalinyarro ka soo horjeeda hannaanka dhismaha maamulka Hirshabeelle kuwaasoo loo adeegsaday rasaas sababtay dhaawaca dad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -