Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rugta ganacsiga & Warshadaha oo ka hor timid kala diristii lagu sameeyey

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay go’aan lagu kala diray hogaankooda oo ka soo baxay Wasiirka ganacsiga ee xukuumada Somalia

Agaasimaha guud ee Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in wasiirka ganacsiga uusan laheyn awood uu ku kala diri karo hogaankooda

“Wasiirka Wasaarada ganacsiga ma kala diri karo Rugta ganacsiga, warqada uu soo saarayna  ma ahan mid sharci ah’’ ayuu yiri agaasime Cabdi Abshir Dhoore oo RW Rooble ka dalbaday inuu soo fara geliyo arrintan.

Gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Galaanbi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay talaabada uu qaafay Wasiirka.

’’Hogaanka Rugta ganacsiga shan sano ayaa la doortay, warqada uu soo saaray wasiirka ganacsiga sharciga ayay baalmarsan tahay” ayuu yiri Cabdullaahi Aadan Galaanbi oo intaas ku daray in hogaanka rugta ganacsiga uu sidiisii caadiga aheyd u shaqeynayo, aysana dheg jalaq i siin doonin talaabada lagu kala diray.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa lagu kala diray Hogaankii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Kala dirista Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inay ku timid cakirnaan iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay ganacsatada Soomaaliya, waxaana la magacaabay hogaan KMG ah, inta laga dooranayo hogaan cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirinta codadka wareeega 1aad oo socota iyo Farmaajo oo illaa hadda ku horeeya

Caydiid Ali

Antony Blinken oo ku wajahan goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee dalka Turkiga

Caydiid Ali

Canug yar oo markii ugu horeysay ka qeyb galaysa shirweynaha QM & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---