Rooble oo Dhax dhigay Jidka isku xira Gaakcayo iyo Bandiiradley (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, waxaana Ra’isul Wasaaraha safarkiisa ku wehliya masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.
 
Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweynta kadib dhagax-dhigay Jidka isku xira magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo iyo deegaanada Bandiiradleey iyo Galinsoor oo dib u habeyn lagu sameynayo.
 
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo la hadlayay shacabka Bandiiradleey ayaa sheegay inuu kala shaqayn doonno Madaxda Galmudug sidii deegaanku u noqon lahaa degmo dhameystiran.
 
Rooble iyo wafdiga la socda ayaana la filayaa in goordhaw gaaraan Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxa ayna halkaasi kula kulmi doonaan Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa masuuliyiin Koonfurta Gaalkacyo iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -