Gudoomiye Mursal oo gaaray Baydhabo iyo Xog ku aadan ujeedka Safarkiisa (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ay la socdaan wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka ayaa ku soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha Baydhabo.

Ujeedada wafdigu halkaasi u tagay ayaa ah ka qaybgalka xuska sanadguurada 2-aad ee ka soo wareegtay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo la kulanka bulshada dawlad goboleedkaas

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, si ay uga qaybgalaan munaasabadda xuska oo lagu wado in habeen dambe lagu qabto magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

 

- Advertisement -