Qarax caawa ka dhacay hoyga Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Jubbaland

Sida ay sheegayaan warar caawa naga soo gaaray Magaalada Jubbada hoose qarax ayaa caawa ka dhacay hoyga uu magaaladaas ka degan yahay Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland  Cabdi Baalley.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro, waxaana laga maqlay daryankiisa qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo.

Guddoomiye Cabdi Baalley oo xiliga weerarku dhacayey ku sugnaa hoygiisa  ayaa la soo sheegayaa inuu ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo ka tirsan qoyskiisa kuwaasoo loo qaaday goobaha Caafimaadka

Ciidamada Amiga Jubbaland ayaa la soo sheegayaa iney gaareen goobtaas ayna wadaan baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey, welina ma jiro war ah oo ay ka soo saareen weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -