Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Masuul katirsanaa Bangiga iyo Xawaalada Amal

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay maamulihii bangiga iyo Xawaalada Amal u qaabilsanaa deegaanada Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Cabdullaahi Cabdisalaan (Shig-Shigoow) ayaa la dilay xili uu ka baxay Xarunta Bangiga kuna sii jeeday masaajid uu salaad duhur ku dukan lahaa, waxaana maamulaha rasaas ku furay dabley hubeesan oo gaari wadatay.

Ragii ka dambeeyay dilka loo geestay masuulkan katirsanaa Bangiga iyo Xawaalada Amal ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilka kadib halkaasi gaaray ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo baaritaano sameeyay.

Dilka loo geestay Cabdullaahi Shig-Shigow ayaa abuuray shaki badan , waxaana inta badan dilalka ay fuliyaan kooxaha hubeesan ku fulin jireen biskoolado , hasa ahaatee dilkan ayaa loo adeegsaday gaari iyo qoryo sida aan wararka ku helnay.

Masuulkan la dilay ee katirsanaa maamulka Amal Bangi ayaa la sheegay in shalay ku laabtay magaalada Kismaayo, waxa uuna maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -